Webi mara magaalada Paris ayaa waxaa ka dhacday arin naxdin badan, kadib markii ay ku dhacday gabar yar oo da’ ahaan jirta 3 sano iyo sagaal bilood, taasoo lagu magacaabo Mustaqiim Axmed Ismaaciil.
Gabadha ayaa webiga ku dhacday, kadibna hooyadeed oo lagu magacaabo Muna Maxmuud, ayaa isku dayday iney u gurmato gabadheeda, labadoodaba sidaas ayuu webiga ku qaaday.
Aabaha dhalay gabadha dhimatay, ahna Axmed Ismaaciil, ayaa warbaahinta la hadlay, wuxuuna ka waramay sida ay wax u dheceen.