Hub laga keenay dalka Itoobiya islamarkaana loo waday maamulka la baxay Puntland, ayaa ku dhawaaday in la furto sida kii Caabaduwaaq oo kale, xilli uu marayay magaalo kamid ah dhulka Soomaali-Galbeed.
Gawaari xamuul ah oo hub ku rarnaa kana yimid wadanka Itoobiya, ayaa badi magaalooyinka dhulka Soomaali-Galbeed kusoo maray si nabad ah, dadkuna kuma baraarugin, hase ahaatee xilli ay shalay marayeen degaanka hoostaga magaalada Bookh ee gobolka Doollo oo katirsan dhulka Soomaali-Galbeed, ayaa waxaa ka shakiyay dadka degaanka, waxayna ogaadeen iney hub sidaan gaadiidkaan.
Halkaan ka Degso Warka Hubka Itoobiya