War kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Imaaraatka Carabta, ayaa lagu sheegay in shil ka dhacay gudaha dalka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tiro kamid ah ciidanka dalkaas.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in shilka ay ku dhinteen ugu yaraan 4 askari, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale, mana bixin wasaaraddu tafaasiil intan kabadan oo la xiriirta nooca ay dhacdada shilka ah ahayd iyo goobta ay ka dhacday intaba.
Maalintii Talaadada ayay sheegtay wasaaraddu iney dhacdada ay ku dhinteen askarta ay dhacday, waxayna tacsi u dirtay ehellada ciidamada dhintay.
Imaaraatka Carabta ayaa kamid ah dalalka sida dhow ula shaqeeya Maraykanka, waxaana ay kala qeyb qaadataa dowladaha reer galbeedka duullaannada ay ku joogaan caalamka Islaamka.