Iyadoo dhawaan qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ay ku guuleysteen, iney qaadaan isbaarooyin yaalay duleedka magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in isbaarooyin horleh lasoo dhigay.
Malleeshiyaad hubeysan ayaa isbaarooyin horleh soo dhigtay wadada laamiga ah, kuwaasoo ay lacago kaga qaadayaan gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gudbaya koonfurta illaa wuqooyiga Soomaaliya.
Maalmihii u dambeeyay waxaa dhibaatooyin ba’an oo ka dhashey isbaarooyinka ka taagnaayeen gobolka Hiiraan, gaadiidleyda ayaana hubka qaatay, iyagoo sheegay iney awood isaga hor leexinayaan isbaaralleyda.
Malleeshiyaadka Macwiisleyda ee ay hubeysay Dowladda Federaalka, ayaa laf dhuun gashey ku noqday reer Hiiraan, waxayna xilligani ku jirana far qaniinsi, iyagoo dalbanaya in mar un malleeshiyaadkan hubka laga dhigo.