Maamulka Kudhaqanka Shareecada Islaamka gobolka Bakool ee taabacsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa isbitaal caafimaad waxa uu ka hirgeliyay degmada Rabdhuurre ee gobolkaas.
Munaasabad ballaaran oo lagu daah furayay isbitaalka, waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay kamid yihiin Odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo masuuliyiinta Wilaayada Bakool.
Furitaanka isbitaalka ayaa kusoo aaday, iyadoo baahi caafimaad ay kajirto deegaannada hoosyimaada degmada Rabdhuurre, waxaana isbitaalka uu bixin doonaa adeegyo caafimaad oo tayo leh, sida laga sheegay munaasabadda daah-furka.
Maamullada wilaayaadka Islaamiga ee Soomaaliya, ayaa dhulka ay ka taliyaan waxaa kajiro horumarro kala duwan, oo ay kamid tahay dhismaha isbitaallo iyo xarumo caafimaad, kuwaasoo bixiya adeegyo caafimaad oo tayo leh.