Maalintii shalay diyaaradaha maamulka Yahuudda ayaa duqeymo culus ka fuliyay, magaalada Misyaaf ee gobolka Xammaah bartamaha dalka Suuriya.
Duqeymaha oo beegsaday bartamaha magaalada iyo baro kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Nidaamka, ayaa geystay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo faafahinno dheeri ah laga helayo khasaaraha.
Inta haatan la ogyahay waxaa duqeymahan diyaaradeed ee Yahuuddu ka fuliyeen Suuriya, ku dhintay ugu yaraan 16 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 40 kale, kuwaasoo isuga jira shacab iyo ciidan.
Nidaamka Nusayriyada ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay, inuu iska difaaci doono weerarada uga imaanaya mamaulka Yahuudda. War ay baahiyeen warbaahinta Yahuudana waxay ku sheegeen in goobaha la beegsaday ahaayeen xarumo lagu farsameeyo hubka wax gumaada.