Wararka ka imaanaya magaalada Islamabad ee caasimadd dalka Pakistaan, ayaa ku waramaya in kolonyo gaadiid ah oo uu la socday safiirka Ruushka ee dalkaas lagu weeraray qarax miino.
Safaaradda Ruushka ee dalka Pakistaan ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay, in kolonyo uu la socday safiirka lagu weeraray qarax miino oo ah noocyada dhulka lagu aaso, uuna qaraxu haleeley mid kamid ah gawaarida qeybta ka ahaa kolonyada.
Gaariga uu qaraxu haleeley ayaa waxaa watay mid kamid ah haweenka ilaalada u ahaa safiirka Ruushka ee Pakistaan, wuxuuna qaraxu ka dhacay gobolka Kheybar Bakhtuunkho oo dhaca wuqooyi galbeed dalka Pakistaan.
War kasoo baxay booliiska dalka Pakistaan waxaa lagu sheegay, in qaraxu uu dhaliyay dhimashada hal askari oo booliis ah iyo dhaawaca 4 kale, kuwaasoo kamid ahaa ilaalada kolonyada safiirka Ruushka ee Pakistaan.
Madaxweynaha dalka Pakistaan Aasif Cali Zardaari iyo ra’iisul wasaaraha dalkaas Shahbaaz Shariif, ayaa cambaareeyay weerarka, welina majirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan.