HomeAll newsKooxda RSF oo Gumaad Horleh ka Geystay Suudaan.

Kooxda RSF oo Gumaad Horleh ka Geystay Suudaan.

Malleeshiyaadka AD-Dacmu AS-Sariic ee hoostaga dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa gumaad aan kala go’ lahayn ku haya shacabka dhibaateysan ee ku dhaqanka wadanka Suudaan.

Dhawaan duqeyn wuxuushimo oo ay ka geysteen suuq ku yaalla magaalada Al-Faashir ee dhacda galbeedka Suudaan, waxay ku u dileen 18 ruux oo shacab ah halka ay ku dhaawcmeen tobanaan kale.

Duqeyntan ay geysteen malleeshiyaadkan dagaalka kula jira dowaldda Suudaan, ayaa ah mid si toos ah ubeegsatay suuqa, sida ay sheegayaan dadka ku sugan magaalada.

Magaalada Al-Faashir oo la sheego iney ku noolyihiin dad lagu qiyaaso ku dhawaan 2 malyan oo qof, ayaa waxaa muddo bil ah go’doon ku haya malleeshiyaadka RSF.

Millatariga Suudaan iyo malleeshiyaadka dagaalka RSF ee dagaalka kawada magaaladaasi, ayaa la sheegay iney beegsi ku hayaaan  xarumaha caafimaad ee magaalada, islamrkaan duqeeyeen isbitaallo badan, kuwaasoo uu joogsaday adeegii caafimaad ee ay bixinayeen.

Dadka ku dhaqan Al-Faashir  ayaa sheegaya, inuu uharay oo kaliya 1 isbitaal, maadaama kuwii kale ay ku burbureen dagaallada, waxayna wajahayaan xaalado caafimaad yari ah.

Dagaalka ka socda wadanka Suudaan oo sanad jirsaday ayaa waxaa lagu dilay tobanaan kun oo qof, halka ay ku barakaceeyn dad badan 10 malyan oo qof, sida lagu sheegay tiro koob lasameeyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular