Degaanno iyo degmooyin katirsan ismaamulka Tigre ee dalka Itoobiya ayaa laga soo sheegayaa xiisado cooladeed, iyadoo ay 2 garab ukala jabeen maleeshiyaadka TPLF.
Magaalada Maqalle ee caasimadda ismaamulka Tigreega ayaa lasoo warinayaa iney dhaqdhaaqyo ka wadaan labadaan maleeshiyaadka TPLF ee laba garab ukala jabay.
Gitaajo Reda oo sheegta in uu yahay madaxweynaha maamulka Kumeelgaarka Tigray balse xilka qaadista lagu sameeyay ayaa kumannaan ciidamadiisa ah waxa ay difaacyo ka qoteen xarunta madaxtooyada iyo dhowr xaafadood oo katirsan magaalada Maqalla.
Inta badan waddooyinka ka baxa magaalada Maqalla illaa iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ayaa waxaa iyana isku geedaamay ciidamo daacad u ah hoggaamiyaha jabhadda TPLF ninka lagu magacaabo Gabra Mikaa’iil.