Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta barqadii waxa ay weerar ku qaadeen, fariisin ay askarta maamulka la baxay Jubbaland ki leeyihiin degaanka Buulo-xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 6 askari oo katirsan maamulka la baxay Jubbaland, halka lagu dhaawacay 9 kale.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gudaha Kenya ayaa waxa ay fuliyeen, weeraro ay ku beegsadeen saldhigyo ay askarta dowladda Kenya ku leeyihiin qeybo kamid ah gobalka Mandheera.
Weerarka koowaad ayaa waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xerada ay askarta Kenya ku leeyihiin degmada Lafey ee gobalka Mandheera oo katirsan dhulka NFD ee ay gumeysato Kenya.
Weerarkaan waxaa lagu dilay 2 askari oo katirsan dowladda Kenya, iyadoo ay ku dhaawacmeen 3 kale.
Sidoo kale waxaa la weeraray xero ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaanka Gobaa ee hoostaga degamda Baanasa ee gobalka Mandheera, waxaana intii uu dagaalku socday uu dab qabsaday qeyb kamid ah xerada askarta Kenya.