Ugu yaraan 16 ayaa dhintay 14 kalena waa ay dhaawacmeen, kadib dab xooggna oo habeen hore ka kacay, dugsi hoose dhexe oo lagu magacaabo Hillside Endarasha Academy, kaasoo ku yaalla degaanka Kieni oo katirsan ismaamulka Nyeri ismaamulka ee dalka Kenya.
16 arday ee dhintay ayuu jirkoodu aad ugubtay taasoo keentay in la aqoonsan waayo, halka 14 dhaawaca ahna ay waxyeellada soo gaartay tahay mid culus oo sababtay in isbitaal la geeyo si loo dayeeyo.
Dugsiga waxaa guud ahaan dhigta 824 arday oo 402 kamid ah wiilal yihiin, halka gabdhuhuna yihiin 422 arday.