Xasan Nasrallaah, waa hogaamiyihii saddexaad ee soo mara ururka shiiciga ah ee la magac baxay Xisbullaah, saldhigiisuna yahay dalka Lubnaan. Wuxuu sanadkii 1960-kii ku dhashey tuullo lagu magacaabo Al-Baazuuriyah oo u dhow magaalada Suur ee koonfurta dalka Lubnaan.
27-dii September 2024-ka oo ahayd maalinnimo Jimco ah, ayuu maamulka Yahuudda wuxuu ku dhawaaqay inuu duqeyn ku beegsaday xarunta dhexe ee xisbiga shiiciga ah ku leeyahay magaalada Beyruut ee caasimadda Lubnaan, duqeyntaasina lagu beegsaday xubno sare oo katirsan ururka.
28-ka September oo ah maalin Sabti ahna, wuxuu ururka shiiciga ah ee labaxay Xisbullaah bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay dilka hogaamiyihii ururka Xasan Nasrallaah, kadib markii lagu beegsaday duqeyn diyaaradeed oo Yahuuddu fuliyeen.