Hogaamiyaha maamulka la baxay Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, ayaa si qarsoodi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, xilli ay wadanka Soomaaliya faragelin ku hayaan dowlado Shisheeye oo siyaasad ahaan isdiidan.
Laftagareen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugan Nairobi, ayaa wada kulamo gaar gaar ah oo ay la qaadanayaan mas’uuliyiin ka socda Qaramada Midoobay, iyo danjirayaal ay soo dirsadeen wadamada Reer Galbeedka.
Dadka uu la kulmay Laftagareen waxaa kamid ah, safiirka dowladda Faransiiska ufadhiya Soomaaliya iyo Kenya Arnaud Suguet.
Kulankan xog badan lagama siin warbaahinta, Sidhab ahna looma shaacin waxa ay kawada hadleen Hogaamiyaha maamulka la baxay Koonfur Galbeed iyo danjiraha Faransiiska.
Dowladda Farance ayaa kamid ah dowladaha xiriirka dhaw la leh xukuumadda Itoobiya, waxayna usoo tababartay kumaanaan askari oo ciidamo badeed ah, Iyadoo la ogayahay in dalka Itoobiya uusan lahayn wax bad ah.
Maamulka la baxay Koofur Galbeed ayaa kamid ah, maamulada ay shisheeyuhu ka dhiseen dalka, islamarkaana sida toos ah ula shaqeeya Xabashida Itoobiya.
Deegaannada uu ka arrimiyo maamulkan waxaa waardiyeeya ciidamo itoobiyaan ah, kuwaasoo danaha dowladooda ujooga halkaasi.
Madaxda maamulka Goboleedyada ayey shisheeyuhu mar waliba ugu yeeraan magaalada Nairobi, mana shaaciyaan safaradooda marka ay baxayaan, taaasoo keeneysa iney dad badan shaki ka muujiyaan wax ay ku maqanyihiin oo ay dalka usoo wadaan.