Iska hor-imaad ayaa maalintii shalay waxa degmada Cadaadle ee ka tirsan gobolka Shabeelle ee dhulka Soomaali-galbeed ku dhexmaray, dad shacab ah iyo maleeshiyaadka Liyu Bolis ee ay ku adeegsato dowladda Xabashida Itoobiya.
Maleeshiyaadkaan ayaa lagu eedeeyay iney si bareer ah rasaas ugu fureen dadka rayidka ah, taas oo sababtay inuu iska hor-imaad dhex maro labada dhinac.
Ugu yaraan 2 askari oo katirsan maleeshiyaadka Liyu Bolis iyo 4 ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay iska hor-imaadkaan, halka ay jiraan kuwa kale oo ku dhaawacmay dagaalka.
Mid kamid ah dadka ku sugan dhulka Soomaali-galbeed ayaa ka warbixiyay iska hor-imaadka dhacay iyo khasaaraha uu geystay.
Waxa uu sheegay in maleeshiyaadka Liyu Bolis ay diideen in dhaawacyada isbitaallada la geeyo, taas oo sababtay in qaarkood ay dhiig-bax udhintaan, isagoo intaa ku daray in hubka culus ay maleeshiyaadka Liyu Bolis u adeegsadeen dadka rayidka ah.
Waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka ay degmada ka qafaasheen odayaal badan oo kamid ah kuwa degaanka, kuwaas oo aan lagaraneyn halka ay jaab iyo cirib la aadeen.
Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale Maleeshiyaadka Liyu Bolis weerar ka geysteen iska madniqaddaan ay ku dileen dad rayid ah kuwa kalena ku dhaawaceen. Maleeshiyaadkaan ayaa caan ku ah xasuuqa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka ay Xabashidu ku gumeysto.