Maamulka Dowladda Fedaraalka ee degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo ayaa qeyla-dhaan ka muujiyay, weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee mudooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayay gudaha degmadaas iyo degaannada Hoosyimaada.
Bishaar Dhaqane Xassan oo ah gudoomiye ku xigeenka Dowladda Fedaraalka ee degmada Ceel-waaq, ayaa walaac ka muujiyay weerarada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee kusii kordhaya degmadaas.
Maamulka degmada ayuu ku eedeeyay iney aysan awoodin sugidda amniga degmada Ceel-waaq, ciidankooduna ay ku fashilmeen iska caabinta weerarada uga imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Amnigooda ayuu tilmaamay inuu iminka halis ku jiro, ayna wajahayaan xaalad adag.