Dowladda Fedaraalka ayaa sii kordhisay cadaadiska ay ku heyso bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Maamulka gobalka Banaadir ayaa soo saaray, qodobo cadaadisyo horleh lagu saarayo bulshada ku nool magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay dadka qaarkood ku sifeeyeen kuwa ay lacago horleh ku dooneyso Dowladda Fedaraalka.
Wareegto kasoo baxday maamulka gobalka Banaadir oo uu akhriyay afhayeenka maamulkaas Saalax Xasan Cumar, ayaa lagu sheegay in la diiwaan galiyo qoysaska ku nool magaalada caasimadda ah, dadka doonayo iney guryaha ka guuraan, caruurta dhasha iyo dadka dhimanaya intaba.
Badi qodobadaan oo horay sidaan oo kale ay usoo saartay Dowladda Fedaraalka ayaa buuq badan dhaliyay, kuwaas oo ahaa mashaariic ay lacago ku abuureysay, tani ayaana umuuqata mid lagu sii xoojinayo tallaabadii hore.