Maamulka la baxay SSC-Khaatumo ayaa waxa uu ka horyimid tallaabo uu qaaday maamulka isku magacaabay Puntland, kaas oo uu ku sheegayo in kan Puntland uu sheeganayo dhul uu ka arrimiyo kan kale.
Najiib Barkhadle Warsame oo ah wasiirka warfaafinta ee maamulka la baxay SSC Khaatumo, ayaa waxa uu xadugudub iyo meel ka dhac ku tilmaamay, in maamulka la baxay Puntland uu sheegto qeyb kamid ah dhulka ay ka arrimiyaan.
Waxa uu digniin udiray dhammaan hey’adaha ku lugta leh arrintaan, isagoona xusay iney la dagaallami doonaan maamulka la baxay Puntland haddii uu sii wado arrinta uu ku howlan yahay.