HomeAll newsMaamulka Labaxay Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Hub Ka Yimid Soomaali-Galbeed.

Maamulka Labaxay Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Hub Ka Yimid Soomaali-Galbeed.

Waxaa maanta ka taagnaa deegaanno dhaca xadbeenaadka la dhexdhigay Soomaaliya iyo dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoosjira gumeysiga Itoobiya, taasoo ka dhalatay hub la sheegay inuu ka yimid dhanka Itoobiya.

Gawaari xamuul ah oo ay hub ku raranyihiin ayaa kasoo gudbay dhanka deegaanno kamid ah dhulka Soomaali-Galbeed, waxaana ka warheley malleeshiyaad hubeysan oo ku sugan xadbeenaatka, kuwaasoo isku dayay iney xoog ku furtaan.

Gawaarida hubka sida ayaa kasoo gudbay deegaan lagu magacaabo Bookh oo hoostaga degmada Doollo ee dhulka Soomaali-galbeed, waxaana dhanka ay kasoo gudbeen ku aadan deegaannada gobollada Sool, Nugaal iyo Mudug.

Ciidamo katirsan maamulka labaxay Puntland oo ka warheley dhaq-dhaqaaqyadan ayaa u jiheystay dhanka xuduud beenaatka, waxaana ugu dambeyntii ay gacanta kusoo dhigeen gawaaridii hubka ku rarnaa.

Gawaarida iyo darawalladii kaxeynayay ayaa caaw la keeney magaalada Garoowe ee xarunta maamulka labaxay Puntland, mana cada waxa xigi doono arintan.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda war ay soo saartay waxay ku sheegtay, iney aad u cambaareyneyso tallaabada hubka lagu soo geliyay dalka, iyadoo Itoobiya ku eedeysay iney iyadu masuul ka tahay arintan.

Waa markii labaad oo saanado hub ah oo sidan u badan ay ka yimaadaan dhanka Itoobiya, laan soo geliyo dalka Soomaaliya, tallaabadan ayaana qeyb ka ah hurinta colaadaha beelaha, iyadoo ay muujineyso galaangalka dowladda Itoobiya ku leedahay Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular