HomeAll newsMacwiisley Ka Amarqaata Dowladda Federaalka oo Afduub Ka Geystay Galgaduud.

Macwiisley Ka Amarqaata Dowladda Federaalka oo Afduub Ka Geystay Galgaduud.

Dowladda Fedaraalka oo adeegsaneysa ciidankeeda iyo malleeshiyaadka Macwiisleyda, ayaa kordhisay afduubka ay ugeysaneyso dadka shacabka ah ee ku nool qeybo kamid ah gobalka Galgaduud.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa degaan katirsan gobalka Galgaduud ay Dowladda Fedaraalka oo adeegsaneyso maleeshiyaadkaa macawiisleyda ka afduubatay nin shacab ah.

Ninka ay afduubteen ayaa lagu magacaabaa Cali Geelle, kaas oo kamid ahaa dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool gpobalka Galgaduud.

Odayaal ku shiray magaalada Muqdisho ayaa si adag kaga soo horjeesteen afduubka ay Dowladda Fedaraalka ugeysatay ninka shacabka ah oo ay ku sheegtay inuu katirsan yahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyagoona Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay in qabaa’ilka degan degaannada gobalka Galgaduud ay colaad ka dhex hurineyso.

Halkan ka dhagayso

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular