HomeAll newsMadaxweynaha Dalka Comoros oo ka Badbaaday Isku Day Dil.

Madaxweynaha Dalka Comoros oo ka Badbaaday Isku Day Dil.

Sida uu sheegay ilo wareedyo ka ag dhow madaxtooyada dalka Comoros, Qazaali Cuthmaani, oo ah madaxweynaha dalka Comoros ayaa la kulmay fal isku day dil ah maalintii shalay oo Jimco ahayd.

Afhayeenad u hadashey xukuumadda Comoros oo loogu magacaabo Faadhima, ayaa sheegtay in madaxweynaha dalkaas uu la kulmay weerar, balse aaney xaaladiisu ahayn mid daran.

Sida la sheegay, mid kamid ah ciidamada wadanka Comoros oo toorrey ku hubeysan ayaa toorreeyey madaxweynaha, xilli uu ka qeybgalayay tacsi.

Dalka Comoros ayaa ah jaziirad ku taalla badweynta Hindiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular