HomeAll newsMadaxweynaha Iiraan oo Sheegay inuu Diyaar u Yahay Wadahadal uu La Galo...

Madaxweynaha Iiraan oo Sheegay inuu Diyaar u Yahay Wadahadal uu La Galo Reer-Galbeedka.

Mascuud Bazashkiyaan oo ah madaxweynaha cusub ee dalka Iiraan, ayaa isagoo ka qeybgalaya kulanka sanadlaha ee Qaramada Midoobay oo ka socda dalka Maraykanka, wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay wadahadallo uu la galo reer galbeedka.

Wuxuu sheegay in barnaamijka nuclearka ee dalkiisu farsameeyo aanu ahayn barnaamij dagaal, oo ka dhan ah dowladaha caalamka, balse uu yahay barnaamij nabadeed, dhanka kalana keenaya in Iiraan iska difaacdo weerarada uga imaanaya dhanka dibadda.

Madaxweynaha Iiraan, ayaa tilmaamay inuu diyaar u yahay wadahadal la xiriira nuclearka oo uu la galo reer galbeedka iyo Maraykanka, isagoona sheegay in cunaqabateynnada dalkiisa saaran ay yihiin fal dembiyeed laga galayo banii Aadamnimada, sida uu warka u dhigay.

Maamulka Yahuudda ayuu ku eedeeyay iney hurinayaan dagaal ballaaran oo ka qarxa dunida, isagoo sheegay in dalkiisa uu mamaulkaasi kala kulmay weeraro kala duwan.

“ Waxay dileen culimadeenna, saraakiisheenna iyo xitaa dadkii martida noo ahaa” ayuu yiri madaxweynaha Iiraan Mascuud Bazashkiyaan, isagoo ka hor hadlayay kulanka shir sanadeedka Qaramada Midoobay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular