HomeAll newsMadaxweynaha Jabuuti oo la Dhigay Isbitaal ku Yaalla Faransiiska.

Madaxweynaha Jabuuti oo la Dhigay Isbitaal ku Yaalla Faransiiska.[DHAGEYSO]

Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah madaxweynaha dalka Jabuuti, ayaa waxaa laga deyrinayaa xaaladiisa caafimaad, iyadoo la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Sida ay qorayaan warbaahinta qaarkood oo heleysa ilo wareedyo gudaha ah, waxaa Ismaaciil Cumar Geelle kusoo booday xanuun, markiina waxaa loola cararay dalka Faransiiska, oo siyaasad ahaan gacanta ku haya talada dalka Jabuuti.

Illaa iyo hadda si faafaahsan looma oga cudurka kusoo booday Ismaaciil Cumar Geelle, iyo halka ay gaarsiisantahay xaaladiisa caafimaad, dowladda Jabuuti ayaana xooga saareysa qarinta warka la xiriira xaaladda caafimaad ee madaxweynaha.

Warbaahinta qaar waxay tilmaameysaa in adeega Internetka laga jaray dalka Jabuuti muda kooban, taasoo lala xiriiriyay xaaladda caafimaad darro ee madaxweynaha, laakiin illaa iyo hadda majirto war rasmi ah oo kasoo baxay.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tobanaan sano ah madaxweynaha dalka Jabuuti, isaga iyo qoyskiisa ayaana la degay dalkan, sida ay tilmaamayaan dadka dhif iyo naadirka ah ee kasoo jeeda wadankaas, islamarkaana warbaahinta ka dhaliila nidaamka ka dhisan dalka Jabuuti.

Halkaan ka Degso Warka Ismaaciil Cumar Geelle

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular