Mowqic lagu magacaabo Media-Zone oo kasoo baxa dalka Ruushka, ayaa daabacay warbixin uu ku sheegayo inuu ku guuleystay helitaanka xogaha rasmiga ah ee ciidamada Ruushka ee lagu dilay dagaalka Ukraine.
Website-ka ayaa shaaca ka qaaday inuu xadiday magacyada iyo xogta inakbadan 66 kun oo askari, oo Ruushka looga dilay dagaalka uu kaga jiro Ukraine, tan iyo Febraayo 2022-ka.
Webka ayaa sheegay in xogtan uu ku heley dabogal uu ku sameeyay bayaanaatka rasmiga ah ee dowladda Ruushka, qoraallada laso dhigo baraha bulshada ee ka hadlaya khasaaraha iyo qubuuraha laga qoday dalka, arimahaas ayaana u suurogeliyay inuu xadido inkabadan 66 kun oo askari oo lagu dilay dagaalka Ruushka.