HomeAll newsMaraykanka Kaalin Maku Lahaa Weeraradii Xaga Isgaarsiinta ee Ka Dhacay Lubnaan?

Maraykanka Kaalin Maku Lahaa Weeraradii Xaga Isgaarsiinta ee Ka Dhacay Lubnaan?

Hay’adda warbaahinta maamulka Yahuudda, ayaa baahisay in dowladda Maraykanka ay qeyb ka ahayd weerarkii xaga Isgaarsiinta ahaa, ee lagu beegsaday ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, kaasoo fadhigiisu yahay dalka Lubnaan.

Warka ay baahisay hay’adda warbaahineed ee maamulka Yahuudda, ayaa lagu sheegay inuu jiray tansiiq iyo qorshe wadajir ah, oo ka dhexeeyay maamulka Yahuudda iyo dowladda Maraykanka, marka laga hadlayo weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay Lubnaan.

Warbaahinta Yahuudda ayaa tilmaamay, in saacado kahor weeraradii qaraxyada ahaa ee Talaadadii ka dhacay dalka Lubnaan, ay Khadka teleefanka kuwada hadleen wasiirada dagaalka ee Yahuudda iyo Maraykanka, markalena ay Khadka ku wada xariireen waxyar kahor mowjaddii labaad ee qaraxyada.

Dowladda Maraykanka ayaa dhankeeda beenisay iney wax lug ah ku lahayd qaraxyada gilgilgay dalka Lubnaan, wasiirka arimaha dibadda Antony Blinkin ayaa sheegay in Maraykanku aanu xitaa la socon weeraradan, inuu ku lug yeesho iskaba daaye, sida uu hadalka u dhigay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular