Wargeyska Ethiopian Observer ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo in dowladda Maraykanka ay diiday aqoonsiga safiirka cusub ee Itoobiya usoo magacwday dalkaas, taasoo noqotay tallaabo kedis ah.
Linshu Bati, oo ah diblumaasi Itoobiyaan ah ayay xukuumadda Abey Axmed usoo magacwday inuu noqdo safiirkeeda u fadhiya magaalada Washington, laakiin maamulka Biden ayaa diiday inuu waraaqaha safiirnimo ka gudoomo ninkan.
Sida ay tilmaameyso warbixinta uu qoray wargeyska Ethiopian Observer, dowladda Maraykanka waxay dalbatay in Itoobiya soo magacwday safiir cusub oo lagu bedelo Linshu Bati.
Sida warbaahinta qaar tabinayaan, dowladda Maraykanka ayaa ku eedeyneysa diblumaasigan kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, marna ahaa afhayeenka Jabhadda xoreynta Oromada, inuu gudaha dalka Maraykanka ka geystay falal dembiyeedyo aan illaa iyo hadda la cayimin.
Tallaabada ay dowladda Maraykanka ku diiday safiirka Itoobiya, ayaa marka la joogo arimaha diblumaasiyadda waxaa lagu tilmaamaa iney tahay tallaabo halis ah, xukuumadda Adis Ababa ayaana illaa iyo hadda ka meer-meereysa iney ka hadasho dhacdadan iyo xaqiiqdeeda.