Dowladda Maraykanka ayaa Xukun dil ah ku fulisay Imaam Muslim ah oo ku xirnaa Xabsiyada dalkaas.
Imaamka xukunka dilka lagu fuliyay waxaa lagu magacaabi jiray Khaliifa Williams, tan 1998-diina wuxuu ku xirnaa xabsiyda dalka Maraykanka.
Isagoo lagu eedeeyay inuu dilay sanadkii 1998-dii haweeney Ameerikaan ah, walow aan cadeyn rasmi ah loo helin, ayuu sanado ku xirnaa xabsiyada dalka Maraykanka, halkaas oo uu Allaah ku hanuuniyay, oo uu diinta Islaamka ku qaatay.
Irbad suuxiso ah oo qofka disha ayaa lagu dhuftay, kadib go’aan dil toogasho ah oo ay ku riday maxkamad ku taalla dalka Maraykanka.