Duqeyn ka dhacday mandiqadda Buukamaal ee dhacda soohdin-beenaadka Ciraaq iyo Suuriya ayaa lagu dilay 18 kamid ah malleeshiyo taabacsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, waxaan duqeynta ka dambeeyay isbaheysiga Caalamiga ah ee uu Mareykanku dhisay xilligii duulaankii Ciraaq.
Duqeytan lala beegsaday malleeshiyaadkan ayey ilo ka agdhaw goobta ay wax ka dhaceen sheegayaan, iney ahayd mid xooggan oo dhanka Cirka ah, ayna fuliyeen ciidamada isbaheysiga Caalamiga ah.
Dhina kale waxaa duqeymo xooggan lala beegsaday saldhigga kooniiko ee ay ciidanka Mareykanku ku leeyihiin, magaalada dhacda Xadbeenaadka Suuriya iyo Ciraaq ee Deyru-Zuur.
Duqeymahan oo ah kuwo culus, ayaa la sheegay iney fuliyeen diyaarado Drones- ah, hase ahaatee lama cadeyn cidda sida rasmiga uleh ee soo qaadday weerarka.
Saldhigga ciidamada Mareykanka ee Deyru-Zuur ayaa la arkayaa iyadoo gantaalladu ay kusoo daadanayaan, hase ahaatee lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.