HomeAll newsMaraykanka oo Xabsiga dhigay Nin u dhashey dalka Ruushka.

Maraykanka oo Xabsiga dhigay Nin u dhashey dalka Ruushka.

Waxa loogu yeero Wasaaradda Garsoorka ee dowladda Maraykanka, ayaa sheegtay iney xabsiga dhigtay nin kasoo jeeda dalka Ruushka, kaasoo lagu tuhunsanyahay inuu Ruushka u diray qalabyo kala duwan oo muhiim u ah farsameynta diyaaradaha dronesta.

Ninkan u dhashey Ruushka oo 44 sano jir ah, ayaa deganaa gobolka Florida, waxaana tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine, uu Ruushka u diray qalabyo electronic kala duwan, oo loo isticmaali karo farsameynta diyaaradaha dronesta.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in qalabyada uu ninkan u diray dalka Ruushka uu u maray hanaan aan sharci ahayn, sida uu warka u dhigay.

Safaaradda Ruushka ee dalka Maraykanka, ayaa qoraal ay soo dhigtay barta Telegramka, waxay ku sheegtay iney ka warheyso wararka sheegaya xiritaanka muwaadin lagu magacaabo Bostoofeeri, laakiin aaney illaa iyo hadda war rasmi ah ka helin hay’adaha Ameerikaanka ee arimahaasi shaqadoodu tahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular