Wasiirka arimaha dibadda dalka Masar ninka lagu magacaabo Badar Al-Caadhi, ayaa ka hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda Itoobiya, kaasoo la xiriira biyaha webiga An-niil, iyo isku soo dhawaanshaha siyaasadeed ee Masar iyo Dowladda Federaalka.
Isagoo waraysi siinayay wargeyska Ash-Sharq, wuxuu wasiirka arimaha dibadda ee Masar tilmaamay, in ciidankooda imaanaya Soomaaliya aaney xiriir la lahayn khilaafka kala dhexeeya Itoobiya, Masarna ay awood u leedahay iney difaacato masaalixdeeda iyo amniga biyaha, marka laga hadlayo biyo xireenka An-Nahda ee ay Itoobiya ka dhistay webiga An-niil.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirka arimaha dibadda Masar shaaca ka qaaday, in biyaha webiga An-Niil ay Masar uga dhigantahay qadiyad nolol ama geeri ah, sidaasi darteedna aaney marnaba ogolaan doonin in lagu gabood fallo biyaha webigaas, cid gaar ahna ay go’aankey doonto ka qaadato.
Mar uu ka jawaabayay su’aal la xiriirtay in tallaabo milliteri oo ka dhan ah Itoobiya qaadayaan, ayuu Badar Al-Caadhi wasiirka arimaha dibadda Masar sheegay , in danahooda ay difaacan doonaan, iyagoo ku jaan goynaya qaanuunka dowliga ah, sida uu hadalka u dhigay.
Wadahadalladii la xiriiray arimaha biyo xireenka An-Nahda ayuu sheegay iney joogsadeen sanadkii 2023-ka, kadib markii ay arkeen in Itoobiya aaney daacad ka ahayn wadahadallada, mar welibana qaadeyso tallaabo hal dhinac ah oo sii adkeyneysa in xal laga gaaro qadiyadan.
Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhexeeya khilaaf sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa, kaasoo salka ku haya biyo xireenka An-Nahda, khilaafkan ayaana sii xoogeystay markii dowladda Masar iyo Dowladda Federaalka ay gaareen heshiis iskaashi xaga amniga ah, Al-Qaahirana ay Muqdisho kasoo dejisay diyaarad siday shinaxdo hub ah, arintan ayaana Itoobiya waxay u aragtay mid halis gelineysa amnigeeda, wacadna waxay ku martay inaaney gacmaha ka laaban doonin isbedellada ka socda geeska Afrika.