Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka dhexeysa dalalka Itoobiya iyo Masar, oo adeegsaneysa Dowladda Federaalka, ayaa waxaa dhanka kale sii badanaya galaangalka milliteri ee ay dowladda Masar ku yeelaneyso dalka Soomaaliya.
Habeenkii xalay, waxaa markab uu hub ku raranyahay oo kasoo shiraacday dalka Masar, uu kusoo xirtay dekadda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa fasaxday dhamaan shaqaalaha dekadda, waxaana ammaankeeda la wareegay ciidamo katirsan kuwa Sirdoonka iyo Ilaalada madaxtooyada, iyadoo dhanka kale xirtay wadooyin muhiim u ah isku socodka magaalada Muqdisho.
Sida lagu arki karo muuqaallo lagu duubay teleefannada gacanta, gawaari hub ay ku raranyihiin ayaa xalay illaa saaka ku noq noqonayay inta u dhexeysa Dekadda Muqdisho iyo xarunta Wasaaradda Gaashandhiga.
Inkastoo aan la ogeyn hubka saaran markabka iyo inta uu la egyahay iyo noocyada uu yahay intaba, hadana waxay wararku tilmaamayaan in hubkani uu yahay kii ay ku howlgeli lahaayeen ciidamada Masaarida ee la qorsheynayo in sanadka cusub ay yimaadaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Illaa iyo hadda majirto war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka, oo la xiriira hubka la sheegay inuu ka degayo Dekadda Muqdisho, waxaana tani ay ksuoo aadeysaa iyadoo ay sii adkaaneyso xiisadda ka taagan mandiqadda ee u dhexeysa Itoobiya iyo Masar.
Dad badan ayaa cabsi ka muujinaya in Soomaaliya ay noqoto furin dagaal oo ay ku loolamaan xukuumadaha isdiidan ee Al-Qaahira iyo Adis Ababa, dowladda Itoobiya ayaa iyaduna dhankeeda waxay xuduud beenaadka kasoo gudbineysaa shixnado hub ah oo ku socda maamul goboleedyada ay iyadu majaraha u heyso oo ay kamid yihiin Soomaaliland, Puntland, Galmudg iyo Koonfur Galbeed.