HomeAll newsMasuul Itoobiyaan ah: Somaliland iyo Puntland Waxay Kusoo Biirayaan Itoobiya.

Masuul Itoobiyaan ah: Somaliland iyo Puntland Waxay Kusoo Biirayaan Itoobiya.

Brook Hailu, oo ah masuul xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Itoobiya, laguna tilmaamo inuu kamid yahay la taliyaasha ugu dhow ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa waraysi uu siiyay telefeshinka dalka Itoobiya, wuxuu kaga hadlay arimo xasaasi ah oo la xiriira dalka Soomaaliya iyo madax banaanidiisa.

Brook Hailu, oo ku takhasusay cilmiga Siyaasadda, ahaana diblumaasi hore oo Itoobiyaan ah, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu qebysamay, hadana sii qeybsami doono, islamarkaana dhici karin in dib dambe uu u midoobo, wuxuuna intaa ku daray in mamaul goboleedyada kajira dalka ay kusoo wada biiri doonaan dalka Itoobiya.

Isagoo aad u xamaasadeyn, kana jawaabaya su’aalo dhowr ah oo uu uu weydiinayay wariyaha waraysanayay, wuxuu Brook Hailu sheegay in maamulka labaxay Soomaaliland uu horey uga go’ay Soomaaliya, Puntland-na ay cagta ku heyso wadadii ay kaga go’i lahayd Soomaaliya, 20 sano kahor ayna isku dayday iney ku biirto Itoobiya.

“Somaliland way ka go’day Soomaaliya, dib dambena uguma soo laabaneyso Soomaaliya, Puntland-na waxay bedeshay istaraatiijiyadeedii hore, kadib markii ay aad uga niyad jabtay go’aanada iyo habdhaqanka dowlada Federaalka, oo u yeeratay ciidamada Masar, arinkaas oo ay Puntland aad uga soo horjeedo, waxay hadda Puntland ka fekeraysaa gooni u goosad iyo madax-banaani si lamid ah Somaliland, sidaad la socotaba, Puntland 20 sano kahor ayay daneyneysay iney kusoo biirto Itoobiya, xilligii uu talada hayay Meles Zanawi, marka xilligan wax weliba ayaa suuragal ah iney dhacaan.

Shanta sano illaa Tobanka sano ee soo socota, waxaan arki doonnaa maamul goboleedyo badan oo go’ay, marka Soomaaliland halkaa ayay taagantahay, Puntland-na way go’i doontaa, sidoo kale HirShabelle ayaa ka fekeraysa inay go’do, waxayna maamuladan sameyn karaan isbahaysi. Soomaaliland iyo Puntland waxay kusoo biiri karaan Itoobiya, cid ishortaagi kartana majirto”. ” ayuu yiri Brook Hailu.

Siyaasigan Itoobiyaanka ah, ee xilalka kala duwan kasoo qabtay dowladda Itoobiya, hadana lagu tilmaamo inuu kmaid yahay lataliyaaha Abiy Axmed, wuxuu dhanka kale soo hadal qaaday arinta la xiriirta in ciidamo Masaari ah la keeno Soomaaliya, isagoo tilmaamay in tallaabadan ay kasoo wada horjeesteen dhamaan maamul goboleedyada, ayna door bidayaan ciidanka Itoobiya.

“Marka laga hadlayo maamul goboleedyada kajira dalka, madxweynaha maamulka Koonfur galbeed wuxuu gebi ahaanba kasoo horjeedaa imaanshaha ciidamada Masar ee Soomaaliya, Jubbaland-na horey ayay u cadeysay arinkaasi, Hir Shabeellena waa lamid, marka waxaa muuqata in badi maamul goboleedyada ay mucaaradsanyihiin tallaabooyinka uu qaadayo madaxweynaha Federaalka, horeyna waxaa halkaas uga jiray tartan u dhexeeyay ciidamada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Maamul goboleedyada waxay doorbidayaan ciidamada Itoobiya, waxayna si cad u sheegayaan in ciidanka Itoobiya ay 17kii sano ee lasoo dhaafay nabad iyo xasilooni kusoo dabbaaleen goobaha ay joogaan, marka waxay doonayaan in ciidanka Itoobiya sii joogaan, halka dowladda Federaalka ay tilmaameyso iney dooneyso in ciidankan ay ku bedesho kuwa kale, kani waa qodob aan weli la xallinin.

Xubnaha baarlamaanka iyaguna waxay kasoo horjeedaan madaxweynaha, marka waxaan filayaa iney cadaadis saari doonaan isaga iyo xukuumadiisa, ra’iisul wasaaraha waxaan qiyaasayaa in todobaadyada soo socda uu xilka isaga tagi doono, maxaa yeeley wuxuu waayay kalsoonida iyo taageerada baarlamaanka”. ayuu yiri Brook Hailu.

Hadalka masuulkan Itoobiyaanka ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo khilaaf daran uu ka dhexeeyo maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, waxaana dowladda Itoobiya ay sida muuqata ay hogaamiyaasha maamul goboleedyada ka hor keeneysaa Villa Soomaaliya, si Xasan Sheekh loogu qasbo inuu ka tanaazulo heshiiska uu la saxiixday dowladda Masar.

Marka laga yimaado kumanaanka askari ee Itoobiyaanka ah ee xooga ku jooga magaalooyin kamid ah Soomaaliya, waxay Adis Ababa xilligan hubeyneysaa maamul goboleedyada, iyadoo gawaari shixnado hub ah ku raranyihiin soo gelisay bilihii lasoo dhaafay gudaha dalka Soomaaliya, hubkii ugu dambeeyey ayaana ahaa mid ku socday maamul goboleedka labaxay Puntland ee kajira wuqooyi bari Soomaaliya.

Halkan ka dhagayso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular