HomeAll newsMaxay Tahay Abaal Marinta uu Helayo Qofkii ku Dadaala Acmaasha Kheyriga ah.

Maxay Tahay Abaal Marinta uu Helayo Qofkii ku Dadaala Acmaasha Kheyriga ah.[WARBIXIN]

Allaah Subxaanahu Watacaalaa waxa uu meelo badan oo Qur’aankiisa Kariimka ah umadda ku booriyay iney sameeyaan acmaasha kheyriga ah islamarkaana loo degdego sameyntooda.

Intaasi kadib waxa uu Allaah sameynta acmaasha kheyriga ah ka ratibay ajar weyn iyo abaal marin ballaaran, waxa uuna Kitaabtiisa Caziizka ah ku yiri.  (وَمَا تُقَدِّمُوا لِأَنفُسِكُم مِّنْ خَيْرٍ تَجِدُوهُ عِندَ اللَّـهِ هُوَ خَيْرًا وَأَعْظَمَ أَجْرًا وَاسْتَغْفِرُوا اللَّـهَ إِنَّ اللَّـهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ)

Waxaa qofka Muslimka ah la gudboon inuu udegdego sameynta acmaasha kheyriga ah, si uu uhelo ajarka weyn ee Alle agtiisa ahaaday, acmaashaas ayaana ah kuwa ballaaran oo kulimanaya waxa dadka anfaca, iyo shey waliba oo qofka wax uga tari kara arrimaha Adduunyadiisa iyo Aakhiradiisa, waxaana acmaashi kamid ah faafinta cilmiga, dadka oo loo naseexeeyo iyo deymaha oo laga gudo, dadka oo dhexdooda la islaaxiyo, in dadka wax lagu sadaqeyso, xiriirnta qaraabada iyo arrimo kale oo badan.

Mid kamid ah daacaadka ugu waaweyn ee Alle loogu dhawaado waa in kurbada laga feydo Muslimiinta baahiyahooda la daboolo, Xadiith saxiix ah oo ka sugan Rasuulka Sallallaahu Caleyhi Wasalam ayaa ahaa sidan. : (مَن نَفَّسَ عن مُؤْمِنٍ كُرْبَةً مِن كُرَبِ الدُّنْيَا، نَفَّسَ اللَّهُ عنْه كُرْبَةً مِن كُرَبِ يَومِ القِيَامَةِ، وَمَن يَسَّرَ علَى مُعْسِرٍ، يَسَّرَ اللَّهُ عليه في الدُّنْيَا وَالآخِرَةِ، وَمَن سَتَرَ مُسْلِمًا، سَتَرَهُ اللَّهُ في الدُّنْيَا وَالآخِرَةِ، وَاللَّهُ في عَوْنِ العَبْدِ ما كانَ العَبْدُ في عَوْنِ أَخِيهِ)

Daboolidda cowraadka Muslimiinta, bani’aadam waliba waxa uu leeyahay gaf iyo dulduleello, mana haboona in uu ceebishiisa usheego dadka kale, waajibka saaran qofka Muslimka ah ayaa ah in uu walaalkiisa u ceeb asturo haddii uu xumaan ku arko, iyadoo hadba qofka waxa uu sameeyo loogu abaal gudayo, wuuna Rasuulka Sallalaahu Caleyhi Wasallama yiri “Qofkii Muslim uceeb astura, Allaah ayaa isagana Adduun iyo Aakhiraba u ceeb asturaya. Sidoo kale waxa uu Rasuulka Sallalaahu Caleyhi Wasallama ka digay in la raac raaco cowraadka Muslimiinta.

Dadka oo wax la siiyo, Mid kamid ah sifaadka ay leeyihiin dadka baariyaasha ah ee uu Allaah amaanay waa in adoomadiisa wax la siiyo, Allaah waxa uu Qur’aankiisa Kariimka ah ku yiri (وَيُطْعِمُونَ الطَّعَامَ عَلَى حُبِّهِ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا * إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ اللَّـهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَاءً وَلَا شُكُورًا* إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوْمًا عَبُوسًا قَمْطَرِيرًا* فَوَقَاهُمُ اللَّـهُ شَرَّ ذَلِكَ الْيَوْمِ وَلَقَّاهُمْ نَضْرَةً وَسُرُورًا) Sidoo kale dadka oo wax la siiyo waa mid kamid ah asbaabaha lagu galo Jannada.

Waxaa sidoo kale acmaasha kheyriga ah ee ay haboon tahay inuu qofku sameeyo kamid ah, in umadda dhexdeeda la islaaxiyo, taas oo uu Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka ratibay Ajar weyn.

Rasuulka Sallallaahu Caleyhu Wasallam ayaa axaadiith kala duwan waxa uu kaga hadlay fadliga iyo abaal marinta uu leeyahay qofka dadka islaaxiya.

Haddaba sameynta acmaasha kheyriga ah ayaa kamid ah daacaadka ugu waaweyn ee Allaah loogu dhawaado, kuwaas oo uu Allaah Subxaanahu watacaalaa ku booriyay meelo badan oo Kitaabjiisa kamid ah, waxa ayna sabab unoqdaan in lalaban-laabo ajarka qofka Muslimka ah, jannadana lagu galo.

Sidaasi si lamid ah sameynta camalka kheyriga ah Islaamka dhexdiisa ayaa waxa uu qofku ka helayaa Ajar, hadey ahaato inuu Adduunyadiisa u shaqeysto ama Aakhiradiisa, marba haddii uu ku taagan yahay daacada Allaah, kana shaqeynayo wax dadka anfaca haba yaraadaane marka loo fiiryo dadka agtooda, Rasuulka Sallallaahu Caleyhi Wasallam ayaana yiri “Ha yareysan shey wanaaga kamid ah, haba ahaatee in aad walaalkaa kula kulanto waji furnaan”.

Halkaan ka Dhageyso Warbixin-Maxay Tahay Abaal Marinta uu Helayo Qofka Muslimka ah Haddii uu ku Dadaalo Acmaasha Kheyriga ah

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular