HomeAll newsMaxay Yihiin Asbaabaha Ay Dowladda Fedaraalka Uga Adkaan La'dahay Al-Shabaab?

Maxay Yihiin Asbaabaha Ay Dowladda Fedaraalka Uga Adkaan La’dahay Al-Shabaab?[WARBIXIN]

Warbixin ay daabacday Shabakadda Al-Jazeera ayaa looga hadlay, asbaabaha keenay in Dowladda Fedaraalka iyo kuwa taageerada la garab taagan ay ku fashilmaan ka takhallusidda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo ku dhawaad 20 sano halgan jihaadi ah ka wado dalka Soomaaliya.

Warbixinta oo ah mid dheer islamarkaana taabaneysa dhinacyo kala duwan ayaa daaha ka rogeysa, asbaabo dhowr ah oo isbiirsaday kuwaas oo horseeday in Dowladda Fedaraalka ay ku fashilanto iney ka adkaato Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Marka loo eego xaaladaha cakiran ee dalka ka jira, Al-Shabaab waxa ay umuuqataa iney tahay mid kamid ah halisyada ugu waaweyn ee ku horgudban Dowladda Soomaaliya, kooxdaan oo la aasaasay bartamihii  tobankii sano ee ugu horreysay qarnigan ayaana ku guuleysatay, iney dhabar adeyg ku waajahdo iskudayadii joogtada ahaa ee ay sameynayeen dowladihii soo maray Soomaaliya iyo xulafadooda, kuwaas oo lagu doonayay lagu tirtiro islamarkaana laga takhalluso Al-Shabaab” ayay leedahay warbixinta ay daabacday Shabakadda Al-Jazeera.

Tani ayay warbixintu tilmaameysaa iney keentay su’aalo dhowr ah oo ku aaddan waxa sababay fashilka Dowladda Fedaraalka, marka laga hadlayo dagaalka ay kula jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyo dhibaatooyinka kale ee ka heysta xagga arrimaaha bulshada, dhaqaalaha iyo gudaha mu’assasaadkeeda, kuwaas oo ay sheegtay iney fursad siineyso Xarakada Al-Shabaaab oo ay ku tilmaamtay ineysan halis ku eheyn Dowladda Fedaraalka oo kaliya, balse ay tahdiid ku heyso dowladaha Mandiqadda.

Mid kamid ah asbaabaha keenay in Dowladda Fedaraalka iyo xulafadeeda ay ka adkaan waayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayay warbixintu ku tilmaameysaa, habacsanaanta heysata dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh, taas oo ay xustay in wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ay xukuumadihii soo maray Soomaaliya ku guul darreeysteen iney baabi’iyaan raadadkii ka dhashay burburkaas, oo ay ugu horreyso dagaal beeleedyada wali ka holcaya qeybo kamid ah dalka.

Intii udhexeysay sanadihii 2008 illaa 2024ka ayay warbixintu tibaaxeysaa, in dowladaha qaar ee dunida ay kobac sameynayaan halka kuwa kalena ay hoobanayaan, marka loo eego Dowladda Fedaraalkana ay tahay midda ugu martabadda hooseysa dowladahaas, oo aysan jirin horumarro la taaban karo oo ay ku tallaabsatay, sidaas darteedna ay ku noqotay dowlad dabacsan oo ku fashilantay iney gudato howlaheeda aasaasiga ah oo ay ugu horreyso sugidda amniga, iyo maareynta ilaha dhaqaale ee dalka.

Habacsanaanta ay warbixintu ku sifeysay Dowladda Fedaraalka ayay sheegtay in meelaha ay ka muuqato islamarkaana kamid ah asbaabaha keenay in laga adkaan waayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay tahay qadiyadda la xiriirta amniga, kaas oo ay gabi ahaanta ku fashilantay Dowladda uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh, haddii ay ahaan leheed ka hortagga weerarada Al-Shabaab iyo sugidda ammaanka goobaha ay ka taliso Dowladda Fedaraalka.

Mid kamid ah madaahirta muujinaya dacfiga heysta waaxda amiga iyo tan millatariga ee Dowladda Fedaraalka, ayay warbixinta ay daabacday Shabakadda Al-Jazeera ubadineysaa iney tahay, ku tiirsanaantooda dowladaha shisheeye gaar ahaan kuwa Afrikaanta ah, kuwaas oo tan iyo sannadkii 2007 howlgallo kala duwan kaga dhawaaqay Soomaaliya, si ay dowladdaani ugaarsiiyaan isku filnaansho xagga amniga, taas oo ay illaa iyo iminka wax guul ah aysan ka gaarin.

Sanadihii lasoo dhaafay Dowladda Fedaraalka oo kaashaneysa dowladaha xaliifka ah oo ay ugu horreyso Turkiga ayaa isku dayday, dadaallo ay ku dooneyso iney ku xaqiijiso amniga goobaha ay ka taliso, balse warbixintaan ayaa xustay in dhammaan dadaaladaas aysan waxba soo kordhin lana imaan natiijadii la fiyay iyo wax udhaw toona, xukuumadda Muqdishana aysan wali ka maarmin ciidamo shisheeye oo suga amnigeeda.

Dadka la socda xaaladda Soomaaliya ayaa qaba in wali aan la gaarin marxalad ay Dowladda Fedaraalka nafteeda ku tiirsanaato, hadalkaan ayaana ah mid ay horay sidaan oo kale usheegtay hey’adda xasaradaha caalamiga ah, waxaana warbixin bishii July ee lasoo dhaafay lagu daabacay website lagu magacaabo The African East oo ka faallooda rimaha bariga Afrika oo soo xiganeysa hey’addaan ay ku tiri “Waxay u muuqataa in Dowladda Federaalka ay ugu yaraan u baahantahay labada sano ee soo socota taageerada ciidamo Shisheeye, si looga fogaado inay timaado xaalad amni oo halis ah”

Fasaadka Musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta ayay sidoo kale warbixintaan tibaaxday iney kamid yihiin asbaabaha keenay liidnaanta Dowladda Fedaraalka, iyo in ay ka adkaan weyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Mu’assasaadka kala duwan ee xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa waxaa ku faafay wax is daba marinta, taas oo ay marar badan ka dhawaajisay hay’adda Transparency International ee ka faalloota arrimaha musuqmaasuqa, tobankii sano ee lasoo dhaafay ayayna dowladdaan kaalmaha ugu horreeyo kaga jirtaa dowladaha ugu musuqmaasuqa badan dunida.

Iyadoo soo xiganeysa taqriir ay baahisay xarunta waxa loogu yeero la dagaalanka”Argagixisada” ee taabacsan Jaamacadda West Point ee Mareykanka ayay warbixintu tilmaameysaa, in uu aad usarreeyo heerka musuqmaasuqa ka dhex jira taliska millatariga ee Dowladda Fedaraalka, taasna ay kamid tahay arrimaha horseeday in uu hoos udhaco macnawiyaadka ciidanka, xilli marar badan ay isla hey’addaan baahisay warbixinno tibaaxaya, in hubka iyo saadka loogu tala galay ciidamada lagu kala iibsado suuqayada magaalada Muqdisho.

Inkastoo ay warbixintu sheegeyso in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab tan iyo sannadkii 2006 illaa 2023 ay la kulantay culeesyo kala duwan, haddana waxa ay tilmaameysaa in Al-Shabaab ay tahay koox awood uleh iney ka hortagto culeysyada, islamarkaana dib usoo laba kacleyso, ayna sii wado halista amni ee aan ku koobneen Dolwadda Fedaraalka balse heer caalami ah.

Baaritaanno jawaab loogu raadinayo su’aasha ah sidee ayay Al-Shabaab ugu suuragashay iney sidaasi sameyso, ayuu bare reer-galbeed ah sidoo kalena ah khabiir ka faallooda arrimaha Xarakaadka Islaamiga ah ee geesta Africa oo lagu magacaabo Stig Jarl Hansen sheegayaa, iney jiraan dhowr arrimood oo sabab unoqday sumuudka iyo dhabar-adeyga Xarakada Mujaahidiinta  Al-Shabaab.

Mid kamid ah arrimahaas ayuu ku sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay soo jiidatay qabaa’ilka Soomaalida, macaamil wanaagsanna la yeelatay hogaanka qabaa’ilka, taas oo usoo jiiday sumcad wanaagsan iyo in ay amni kusoo dabaasho degaannada ay kataliso, xuquuqda dakana la ilaaliyo iyadoo la adeegsanayo Maxaakiimta Islaamiga ah, Shareecada Islaamkana lala tiigsado cid waliba oo xadgudub sameysa.

Isfidinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo sida ay ugu xooggan tahay qaar kamid ah goballada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayay warbixintaani sheegeysaa iney kamid tahay, asbaabaha hor istaagay in lawiiqo awoodda Al-Shabaab.

Waxay warbixintu sheegtay in degaannadaas ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka dhigtay kuw aamin ah, islaamrkaana ay ku tabarto ciidamo cusub oo ka qeyb qaata halganka ka dhanka ah shisheeyaha dalka kusoo dalay, kana soo qorsheyso howlglada iyo dadaallada xagga wacyiga ah, nidaamkaas oo ay ku sifeysay mid dowladnimo ayayna tilmaameysaa inuu qeyb ka yahay, arrimaha aan marnaba suuragal ka dhigeyn in laga adkaado Xarakada Al-Shabaab.

Labadii sano ee lasoo dhaafay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka hortagtay, isdayo lagu doonayay in awoodeeda lagu wiiqo, tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyayna waxaa isa soo tarayay warbixinnada iyo diraasaadka laga qorayo awoodeeda iyo sida ay uga hortagtay duullaanada iyagaa ka dhanka ah, kuwaas oo dhammanatood ka mideysnaa, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii xoogeysaneyso marba marka ka dambeysa.

Halkaan ka Degso Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular