HomeAll newsMilliteriga Suudaan oo La Wareegay Goobo Horleh oo Kamid ah Al-Khardhuum.

Milliteriga Suudaan oo La Wareegay Goobo Horleh oo Kamid ah Al-Khardhuum.

Dagaallada ka jira wadanka Suudaan ayaa wali halkooda kasii socda, iyadoo tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay magaalada Al-Kharduum kasocdaan, dagaallo xooggan oo dhexmaraya kooxda RSF iyo ciidanka xukuumadda Suudaan.

Malleeshiyaadka AD-Dacmu AS-Sariic ee hoostaga dowladda Imaaraadka Carabta oo in kabadan Sannad ka dagaalamaya dalka Suudaan, ayaa lasoo sheegayaa iney maalamahan dambe la kulmayeen guuldarrooyin is xig xiga, kuwaasoo ay ka dhaxeleen dagaallo ay isaga horyimaadeen askarta  Suudaan, kana dhacay caasimadda wadankaasi Al-Kharduum.

Ciidamada Suudaan ayaa la sheegay iney maalmihii lasoo dhaafay guulo kasoo hooyeen dagaallada wadankaasi, kadib markii ay Malleeshiyadan kala wareegeen goobo istaraatiiji ah oo kamid ah magaalada Al-Kaharduum oo ay qabsadeen bilowgii dagaalka.

Goobaha ay la wareegeen askarta Suudaan islamarkan dib looga durjiyay malleeshiyaadka RSF waxaa kamid ah: xeryo ciidan oo ay kulahaayeen bartamaha Kharduum, Suuq Al-Carabi oo isna ku yaalla bartamaha Kharduum, xaafadda Al-Kadro ee katirsan Khurduum Baxri, meelaha muhiimka ah ee ay askarta Suudaan la wareegeen maalmihii lasoo dhaafay waxaa kamid ah, sedaxda Buundo ee Jisru Niil Al-Abyad, Jisrul-Fatiixaat iyo jisul-Xalfaayaa oo dhamaantood isku xira Al-Kharduum iyo magaalooyinka ee uu wabiga Niil kala qeybiyo.

Qabsashada goobahan ayaa ciidanka Suudaan waxaa suurageliyay sida ay ku warramayaan wararka ka imaanaya dalkaasi, kadib markii ay duqeymo cir iyo dhul ah ku qaadeen goobaha ay joogeen malleeshiyaadka RSF.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular