Maxkamad ku taalla dalka Tuunis, ayaa xukun xabsi ah ku riday mid kamid ah musharixiinta ugu cad cadaa ee u tartamayay xilka madaxtnimada dalka Tuunis, kaasoo lagu magacaabo Al-Cayaash Zamaal.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan lagu helay eedo la xiriirta inuu ka been sheegay tazkiyadiisa, sidaasi darteedna maxkamaddu go’aan ku gaartay in lagu rido xukun xabsi ah oo dhan sanad iyo 8 bilood.
Qeys Siciid oo ah madaxweynaha dalka Tuunis, ayaa u xusul duubaya sidii uu dalkaasi kaga hirgelin lahaa doorasho madaxtnimo oo natiijadeedu lasii ogyahay, waxaana uu mid uu xiro iyo mid uu handado, iyo mid uu doorashada ka reebo isugu daray siyaasiyiinta uu isleeyahay way dhici kartaa iney kaa guuleystaan.