HomeAll newsMuslimiinta Urdun oo Bogaadiyay Ninkii Fuliyay Weerarkii Marinka Al-Karaama.

Muslimiinta Urdun oo Bogaadiyay Ninkii Fuliyay Weerarkii Marinka Al-Karaama.

Waxaa gelinkii dambe ee maalintii shalay illaa iyo maanta ka dhacaya dalka Urdun banaanbaxyo ay dhigayaan dadka muslimiinta ah, kuwaasoo ay ku muujinayaan farxadooda la xiriirta weerar keligii duulnimo oo maalintii shalay ka dhacay marin kala qeybiya Urdun iyo dhulka Filastiin ee kujira gumeysiga.

Boqollaal ruux oo isuga jira qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa isugu soo baxay magaalada Cammaan ee caasimadda dalka Urdun, waxayna ku dhawaaqayeen halkudhigyo bogaadinaya fuliyaha howlgalka keligii duulnimada ah iyo kooxaha Muqaawamada Filastiin.

Dadka muslimiinta ah ee bananabaxyada isugu soo baxay ayaa sidoo kale janaazada Salaatul Ghaa’ib ku tukaday fuliyaha weerarka maalintii shalay ka dhacay xad beenaatka Urdun iyo Filastiin.

Maahir Diyaab Xuseen oo kasoo jeeda gobolka Macaan ee koonfurta dalka Urdun, ahaana darawal kaxeeya gawaarida xamuulka, ayaa maalintii shalay howlgal keligii duulnimo ah ka fuliyay marinka Al-karaama ee isku xira Urdun iyo Daanta-galbeed.

Isagoo wata bastoolad uu ku guuleystay inuu qarsado, ayuu dhegta dhiiga u daray saddex ruux oo Yahuud ah, isagana waxaa ugu dambeyntii dilay ciidamada Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular