Magaalada Boston ee dalka Maraykanka, ayaa waxaa isku gubay nin Ameerikaan ah, kaasoo sheegay inuu tallaabadan u sameynayo inuu kasoo horjeedo waxa ka socda Qazza awgeed.
Ninka is gubay ayaa dab is qabadsiiyay, xilli u uku sugnaa afaafka hore ee qunsuliyadda maamulka Yahuudda ee magaalada Boston.
Muuqaal uu baraha bulshada ku baahiyay waxyar kahor inta aanu falkan ku dhaqaaqin, ayuu ninkan ku sheegay in lagu magacaabo Mat Nilson, uuna goordhow sameyn doono fal cabasho ah, oo uu kaga soo horjeedo waxa ka socda Marinka Qazza.
Wuxuu tilmaamay in ujeedada uu falkan u sameynayo ay tahay, in dowladda Maraykanka uu ku cadaadiyo iney joojiso taageerada milliteri ee ay siineyso maamulka Yahuudda, kaasoo lagu gumaadayo reer Qazza.
Dad ka ag dhawaa goobta uu isku gubay ninkan ayaa isku dayay iney damiyaan dabka jirkiisa ka kacay, isagoo xaalad garaab ah ayaana loola cararay isbitaal caafimaad, illaa iyo hadana booliiska Maraykanka kama hadlin xaaladiisa caafimaad ama inuu geeriyooday.