Wararka ka imaanaya gobolka Idlib ee wuqooyiga Suuriya ayaa tilmaamaya, in malleeshiyaadka Nidaamka Nusayriyada ay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaanno katirsan gobolka Idlib.
Magaalada Taftanaaz ee dhacda bariga gobolka Idlib, ayaa la kulantay weerar madaafiic ah oo ay ku garaaceen ciidanka Nusayriyada ee saldhigyada ku leh qeybo kamid ah gobolka, waxaana duqeymuhu geysteen waxyeello kala duwan.
Waxaa sidoo kale duqeyn lagu beegsaday gaari marayay magaalada lagu magacaabo Daaratu-Qazza ee dhacda galbeedka Xalab.
Kooxaha gurmadka deg-dega ee loo yaqaano difaaca madaniga, ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in duqeynta ka dhacday Taftanaaz uu ku dhintay hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 6 caruur ah iyo 3 haween ah, oo ay kamid yihiin haweeney iyo shan caruur ah oo ay iyadu dhashey.