Ciidamada mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaa weerar ka fuliyay wuqooyiga dalka Benin, kaasoo lagu beegsaday ciidamada wadankaas.
Weerarka ayaa si gaar ah waxa uu kaga dhacay xero milliteri oo ku taalla magaalada Banguun ee wuqooyiga dalka Benin, waxaana ka dhashey waxyeello kala gedisan.
War kooban oo ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqa ayaa lagu sheegay, in weerarka ay ku dileen labo askari, kuna soo furteen ugu yaraan hal qori oo AK-47 ah iyo qalabyo kale.
Benin ayaa kamid ah wadamada dhaca galbeedka Afrika, waxaana uu xuduud la leeyahay dalalka Togo, Nigeria, Burkina Faso iyo Niger, dalkan ayaana kamid ah goobaha ay ka howlgasho Jamaacada jihaadiga ah ee Nusratul Islaam wal Muslimiin ee taabacsan AlQaacida.