Odayaasha degmada Burtinle ayaa ku goodiyay iney la dagaallami doonaan kooxo xaalufin ba’an ka wada degmada.
Waxaa isa soo tareysa qeylo-dhaanta kasoo yeereysa dadka ku dhaqan degmada Burtinle ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland, kuwaas oo qaati ka taaqan qolyo xaalfuin ku haya degaanka.
Odayaasha degmada Burtinle ayaa waxa ay sheegeen, in kooxahaan oo habeen barki socda ay xaaluf ba’an ku hayaan degaanka iyagoo gacafyo wata.
Waxa ay ku goodiyeen iney markaan la dagaallami doonaan kooxahaas, iyagoo tilmaamay in maamulka la baxay Puntland uu wax ka qaban waayay dadkaas.