HomeAll newsQabaa'il Hubeysan iyo Malleeshiyaad Aala-Sucuud Taabacsan oo ku Dagaallamay Yemen.

Qabaa’il Hubeysan iyo Malleeshiyaad Aala-Sucuud Taabacsan oo ku Dagaallamay Yemen.

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa ku waramaya, in tan iyo maalintii shalay oo Sabti ahayd ay socdaan dagaallo culus oo dhexmaraya malleeshiyaad daacad u ah maamulka Aala-Sucuud iyo dagaalyahannada qabaa’ilka.

Dagaallada ayaa ka socda gobolka Laxaj ee koonfurta dalka Yemen, gaar ahaan mandiqad lagu magacaabo Seylah-baleh oo hoostagta degmada Radafaan, dhinacyada dagaallamaya ayaana isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo wareedyo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu dhexmaraya malleeshiyaad loogu magacdaray Dircul Wadan, oo uu maamulka Aala-Sucuud ka dhisay koonfurta Yemen, iyo dagaalyahanno katirsan qabiilka Al-Xawaashib ee dega koonfurta Yemen.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii malleeshiyaadka isku magacaabay Dircul Wadan ay isku dayeen in saldhig milliteri ay ka sameystaan deegaan ay ku suganyihiin dhalinyarada qabaa’ilka ee hubeysan, taas ayaana dhalisay carada qabaa’ilka.

Ciidamada taageerada ka helaya maamulka Aala-Sucuud, ayaa isku dayay iney awood ku maquuniyaan qabaa’ilka, laakiin waxaa lagala horyimid dagaal culus, kaasoo weli socda.

Waxaa lagu soo waramayaa iney jirto khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray labada dhinac ee dagaallamaya, laakiin illaa iyo hadda lama hayo tiro go’an.

Dhinacyada dagaallamaya ayaa la isku dayay in waan waan la dhex dhigo, laakiin illaa iyo hadda ma suurogelin, waxaana muuqata in qabiilka Al-Xawaashib aanu dooneynin in malleeshiyaadkan Aaal-Sucuud ka amarqaata soo galaan deegaannadooda.

Malleeshiyaadka ka amar qaata dowladaha Imaaraatka Carabta iyo maamulka Aala-Sucuud, ayaa ku tilmaaman dhibaateynta bulshada, waxaana tacadiyada ay geystaan kamid ah dilal bareer ah, qafaal iyo u dhicitaanka guryaha xilliyada saqda dhexe ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular