James Swan oo ah wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, ayaa walaac ka muujiyay weerarada qaraxyada ee ay fuliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo beegsada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda Federaalka.
Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayuu Swan sheegay iney ka dheregsanyihiin halisyada ay ku hayaan weerarada qaraxyada ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab fuliso.
” Waan rumeysanahay in qof weliba oo nala jooga qolkan uu dareemayo halista ay nagu hayaan qaraxyada, waxay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan qaraxyadan ciidamada Dowladda Federaalka ee saaxiibadiina ah, waana muhiim inaan ka shaqeyno sidii xal loogu heli lahaa halistan” ayuu yiri James Swan, wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2023-da, ay weerarada qaraxyada oo keliya ku dhinteen 378 askari oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka, halka ay ku dhaawacmeen 451 askari, iyadoo intaa ku dartay in halista weerarada qaraxyada loo adeegsado ay weli taagantahay.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ninka lagu magacaabo James Swan, ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu ku daah furayay tababar la xiriira qaraxyada, oo loo furayay ciidamo Soomaali ah, kuwaasoo la doonayo iney miino baarayaal wadada ka sahmiya u noqdaan ciidamada Shisheeyaha ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.