Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay howlgallo isugu jira qaraxyo iyo weeraro toos ah ka fuliyeen qaar kamid ah goballada dhaca Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay iyo askarta Dowladda Fedaraalka.
Haddaan ku horreyno duleedka magaalada Muqdisho, khasaare nafeed ayaa ka dhashay weerar qarax ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degaan dhaca galkaas.
Ugu yaraan 3 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dhaawacay, qaraxaan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Sidoo kale 2 askari oo katirsan Boliska Dowladda Fedaraalka ayaa ku dhaawacantay qarax kale oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo.
Habeenkii xalay waxay kale oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weeraro ku qaadeen, fariisimaha ay askarta shisheeye ee Uganda ku leeyihiin degmada Jannaale iyo degaanka Danow oo kawada tirsan gobalka Sh-hoose.
Waxaa sidoo kale weerar lagu ekeeyay saldhig ay askar katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin degmada Xudur ee gobalka Bakool.