Waxaa gelinkii dambe ee maanta qaraxyo xoogan ay ka dheceen qeybo kamid ah degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kuwaasoo lala eegtay xubno katirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka.
Qaraxyada ayaa si gaar ah uga dhacay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil isuga jira Sirdoonka iyo ciidanka Dowladda Federaalka, waxaana ka dhashey waxyeello kala duwan.
Inta haatan la xaqiijiyay waxaa qaraxyada ku dhintay ugu yaraan 8 xubnood oo katirsan Dowladda Federaalka, halka ay ku dhaawacmeen 16 kale. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan.