War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka, ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Ameerikaanka ah ee kusugan dalka Lubnaan lagu amrayo, iney si degdeg ah uga baxaan dalkaas.
Bayaanka ayaa lagu sheegay iney lagudboontahay dadka Ameerikaanka ah iney ka faa’ideystaan inta la heli karo diyaarado ganacsi oo ka safraya dalka Lubnaan, taasoo meesha ka bixi karta haddii xaalku kasii daro, sida warka lagu yiri.
Dowladda Ingiriiska ayaa iyaduna isku diyaarineysa iney dadkeeda kasoo daadgureyso Lubnaan haddii xaaladdu xumaato, waxaana mandiqadda ku sugan labo Markab oo dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Ingiriiska.
Dowladda Faransiiska ayaa iyaduna horey u hakisay duulimaadyadii isku xirayay Beyruut iyo Paaris, waxaana tani ay timid wixii ka dambeeyay weeraradii dhiiga badan ku daatay ee xaga isgaarsiinta ahaa ee Yahuuddu ku beegsadeen ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah.
Xaaladda mandiqadda ayaa kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inuu qarxo dagaal furan oo dhexmara Shiicada iyo maamulka Yahuudda, arinkaasi oo ay ka digayeen waayadii u dambeysay dowladaha reer galbeedka oo uu Maraykanku ugu horeeyo.