HomeAll newsRuushka oo Sheegay iney la Wareegeen Magaalo ku taalla Bariga Ukraine.

Ruushka oo Sheegay iney la Wareegeen Magaalo ku taalla Bariga Ukraine.

Taliska millatariga ee dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqay, in ciidankooda ay la wareegeen magaalo ku taalla bariga dalka Ukriane, xilli ay Ukraine wado hormumarro ay ku dooneyso iney gudaha ugu gasho Ruushka.

War ay baahisay wasaaradda difaaca ee dowladda Ruushka ayaa lagu sheegay, in ay askartoodu la wareegeen gacan ku heynta magaalada Kalinov ee ku taalla gobolka Donetsk ee bariga Ukraine.

Magaaladaan ayaa qiyaastii 35-km waxa ay ku jirtaa mandiqadda Pokrovsk oo ay ku taallo xarun muhiim u ah xagga loojistakada, taas oo todobaadyadii lasoo dhaafay martigalineysay weeraro culus.

La wareegitaanka Ruushka ee mandiqaddaan dhacda bariga Ukraine ayaa kusoo aadeysa, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay uu madaxweynaha xukuumadda Kiev uu saraakiil reer-galbeed ah kula kulmay Jarmalka, kuwaas oo uu ka codsaday in la kordhiyo taakulada millatari ee lasiiyo dowladdiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular