War qoraal ah oo lagu baahiyay barta X ay ku leedahay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in dowladda Talyaaniga ay hakisay bixinta fiisaha dal ku galka qaaradda Yurub.
Tallaabadan ayaanay safaaraddu uga hadlin si faafahsan ama waxa keeney in go’aankan lasoo saaro, laakiin waxaa jirtay in Midowga Yurub uu horey usoo jeediyay in la adkeeyo bixinta Fiisaha Yurub.
Siyaasiyiin badan oo katirsan Dowladda Federaalka ayaa marka ay safarro ku tagaan Yurub, waxay isku diiwaan geliyeen qaxooti, iyagoo ka taga shaqooyinkii ay ka hayeen Dowladda Federaalka.