Sanatar Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah Dowladda Fedaraalka, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay dhexmaquuraneyso Xukuumadd Fedaraalka ee uu hogaanka uhayo Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu sheegay in lacagaha lagu sheegay canshuuraha ee ay Dowladda Fedaraalku kusoo rogay bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ay ku gudeyso demo lagu leeyahay, islamarkaana la amray iney bulshada culeys saarto lacago badanna ka uruuriso.
Mashruucii deyn cafinta ee Dowladda Fedaraalku buun buunineysay ayuu ku tilmaamay dabin loo dhigay oo aysan fahminkarin Dowladda Fedaraalka.
Dowladda Fedaraalka ayuu sheegay in musuqmaasuqa ay ku dhexjirto uu ku usii kacay, maadaama lacagaha laga qaadayo bulshada ay bateen.
Dhinac kale Xasan Sheekh ayuu ku tilmaamay inuu yahay Mujirim ka dambeeya dhibaatooyinka dalka kajira sida Dagaallada Beeleedyada.
Wuxuu sheegay qorshayaal ay damacsantahay Dowladd Fedaraalku iney ku dhaqaaqdo oo in muddo ah laga shaqeynayay, goobo danguud ah ayuu sheegay iney Dowladda Fedaraalku boobtay.