HomeAll newsSarkaal Interpol Baadigoobeysay oo Lagu Dilay Triboli.

Sarkaal Interpol Baadigoobeysay oo Lagu Dilay Triboli.

Kooxo hubeysan ayaa bartmaha magaalada Daraabulis ee caasimadda dalka Liibiya waxa ay ku dileen, sarkaal sare oo katirsan xukuumadda dalkaas, kaas oo ay sidoo kale baadi goobayeen boliska Interpol.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo C/raxmaan Miilaad oo caan ku ahaa (Al-Biidja) ayaa waxa ahaa hogaamiyaha xarunta tababarka ciidamada badda Liibiya ee magaalada Daraabulis.

Masuuliyiin amni oo katirsan xukuumadda Daraabulis ayaa waxa ay sheegeen, in kooxaha huysan ay C/raxmaan Abl-Biidja kala dageen gaarigiisa xilli uu marayay magaalada Janzuur ee ku taalla caasimadda Liibiya maalintii shalay oo Axad aheyd, iyagoo intaa kadib rasaas ku shanaqay.

Madaxa golaha sare ee xukuumadda Liibiya ayaa ka tacsiyeeyay dilka sarkaalkaan, iyadoo ay dowladdu sheegtay iney wado baaritaan ku aaddan qaabka ay wax udhaceen.

Sarkaalkaan shakhsiyaadka ugu caansan xagga amniga ee ka howlgala galbeedka dalka Liibiya, waxaana dowlado dhowr ah oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Ingariiska ay ku eedeeyeen inuu madax ka yahay koox ka ganacsata basharka.

Bishii June ee sannadkii 2018-ka ayaa magaca ninkaan waxaa lagu arkay taqriir ay baahiyeen golaha ammaanka, kuwaas oo ku sifeeyay inuu sifeeyay inuu yahay hogaamiyaha kooxda ugu halista badan ee ka ganacsatada basharka ee ku sugan Liibiya, islamarkaana uu ku lug leeyahay tacdiibinta dadka tahriibayaasha ah kuna kacay xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana xilligaasi uu boliska Interpol soo saaray amar lagu soo qabanayo sarkaalkaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular