Iyadoo maalmihii lasoo dhaafayba ay xiisado ka taagnaayeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, ayaa lasoo sheegayaa in gabi ahaanba ay hakad gashay shaqadii ka socotay garoonka magaaladaas.
Xiisadda ayaa ka dhalatay kadib markii maamulka la baxay Puntland iyo maleeshiyaadka PSF ee uu Mareykanku tababartay ay isku qabteen isticmaalka garoonka.
Maleeshiyaadka PSF ayaa ku andoocanaya in laga hor istaagay, islamarkaana loo diiday in dhaawacyada ciidankooda laga dhoofiyo garoonka.